Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.

Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026

Horjoogahan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay waardiyihiisii gaarka ahaa.

Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, laguna sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Next Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Next Post
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In