Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa booqday Iskuullada 21-ka October, 20-ka December iyo xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ka mid ah xarumaha ay ardaydu imtixaanka ku galayaan ee magaalada Muqdisho.
Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirka ayaa dhiirrigelin u jeediyay dhammaan ardayda u fadhiisatay imtixaanka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay ardayda qaba baahiyaha gaarka ah ee ka qeybgalaya imtixaanka sanadkan.
Wasiir Cabdulfataax oo ay wehliso Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustaf ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay gudaha Iskuulka 20 December, kaga hadlay horumarka laga sameeyay dhinaca waxbarashada dalka, Waxaa uu xusay in sanadkan ay imtixaanka u fadhiisteen in ka badan 44,000 oo arday, kuwaas oo ku kala sugan 58 degmo oo dalka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale si weyn uga hadlay colaadda beelaha ee ka taagan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, taas oo maanta saameysay ku dhowaad 200 oo arday oo qorsheynayay inay u fariistaan imtixaanka shahaadiga ah, Waxaa uu arrintaasi ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, isla markaana waxgaradka, culimada iyo bulshada deegaanka ay u istaagaan xal waara oo lagu soo afjaro colaadda.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaallada ay ku bixisay abaabulka, isku dubbaridka iyo hirgelinta imtixaanka qaranka, isagoo ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan kormeerayaasha, iyo ciidamada Booliiska ee amniga sugaya.