Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 months ago
in Wararka
0
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xubnaha ka ah guddiga fulinta ee ururka.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka ururka, xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka ee dhinaca dhowrista xogta, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka dhasha tiknoolojiyadda casriga ah iyo amniga macluumaadka.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026

Mudane Mohamed Nur Olow ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muuqata ka qaadan doonto horumarinta himilooyinka ururka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xogta gaarka ah iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay hababka lagu xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha mas’uulka ka ah dhowrista xogta ee dalalka Islaamka, si loo helo hannaan mideysan oo kor loogu qaadayo amniga xogta iyo kalsoonida bulshada.

Gabagabadii kulanka, waxaa la soo saaray warmurtiyeed ay ku jiraan qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha xubnaha ka ah INPDPA, si sare loogu qaado muhiimadda dhowrista xogta iyo ilaalinta macluumaadka shakhsiyeed ee dalalka Islaamka.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Next Post

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Next Post
Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

August 24, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In