Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Effendi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ee walaalaha ah, ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay dano wadaaga ka yihiin, iyo is dhaafsiga aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqn dhaqaaleed ee kala dhexeeya Suudaan, isaga oo tilmaamay xiriirka qotada dheer leh ee labada shacab.
Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ayaa dhankiisa Wasiir Ku-xigeenka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka Suudaan, wuxuuna uga mahadceliyay Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dalkiisa.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn dib sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta iyo isku duwidda arrimaha ay wadaagaan.











