Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka.
Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga munaasabadda, iyadoo guddigu ay soo bandhigeen qorshayaasha la xiriira qabanqaabada, soo dhoweynta martida, sugidda amniga iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qabsoomidda munaasabadda.
Hoggaamiyaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa bogaadiyey dadaalka guddiga, iyagoo ku adkeeyey in la dardargeliyo howlaha haray si munaasabadda caleema-saarku ugu qabsoonto si habsami leh oo heer sare ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu xoojiyey muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo guddiyada kala duwan si loo xaqiijiyo in munaasabaddu u dhacdo si wanaagsan, isla markaana ay ka tarjumeyso midnimada iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed.











