Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku duwidda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha dowladda.

Mudane Xamsa Aadan Haadow ayaa Agaasimayaasha Guud ku soo dhoweeyey kulanka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo isuduwidda hay’adaha dowladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatax, ayaa jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda.

Bandhigga ayaa iftiimiyey waajibaadka Wasaaradda ee isku duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee lagu dhaqmo marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradihii ka soo qayb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey bandhigga, iyagoo oo sheegay sida ay uga go’an tahay la hoggaansanaanta habraacyadaas diblomaasiyadeed marka la fulinayo hawlaha rasmiga ah ee dowladda.

Previous Post

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In