Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ceeldheer, 5 Luulyo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Halkaas waxaa ka socda dadaallo lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo sidoo kale ay ka jiraan horumarro dhanka amniga ah.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Masuuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amniga, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

Next Post

Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In