Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 weeks ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Keymaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Turgay Türkyılmaz. Wafdigan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iskaashiga farsamo iyo maalgashiga, iyadoo si rasmi ah loo daah-furay kulammo iyo guddiyo farsamo oo wadajir ah oo ka shaqayn doona horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal.<br>Qodobbada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Maamulka Kalluumeysiga: Qiimeynta kaydka kalluunka, buuxinta nusqaamaha xogta cilmiyeed, iyo hirgelinta Sharciga Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga ee 2023.Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Kalluumeysiga: Abuurista fursado maalgashi oo ay ka faa’iidaysan karaan shirkadaha Turkiga, gaar ahaan dhismaha xarumaha qaboojinta, kaydinta, farsamaynta iyo dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadaagga ah, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoolajiyada, si loo horumariyo ka faa’iidaysiga waara ee khayraadka badda Soomaaliya loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay ugu jiraan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo kalluumeysiga.

 

FB_IMG_1785047466587.jpgFB_IMG_1785047472523.jpgFB_IMG_1785047469007.jpg

Previous Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In