Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hal-abuurka, kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado cusub oo ku saabsan tiknoolajiyadda, hal-abuurka iyo ganacsiga casriga ah.
Waxaa ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), aqoonyahanno, iyo kumannaan dhalinyaro hal-abuurayaal ah, kuwaas oo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la xoojiyo ganacsiyada ku saleysan tiknoolajiyadda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona dhiirrigeliyo hal-abuurka dhalinyarada.
Dhanka kale, waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah wasiirradii ka soo qaybgalay shirka, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah iyo taageeridda hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.










