๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ โWasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabillay, soo dhoweyn diirranna ugu sameeyay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccรฒ Coppi.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ugu horeyn si wadajir ah u booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyo waaxyaha Warbaahinta Dowladda iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socdeen shaqooyinka maaliinlaha ah ee Hay’adahani.
Booqashada kadib Wasiirka ayaa kulan la qaatay Danjiraha iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta warbaahinta,ย tababarrada xirfadeed iyo kobcinta awoodda hay’adaha Wasaaradda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha warbaahinta ee labada dal, dib u soo nooleynta Barnaamijka Luuqadda Talyaaniga ee Radio Muqdisho, horumarinta filimada iyo is-dhaafsiga dhaqanka, si loo sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.
Danjire Pier Mario Daccรฒ Coppi ayaa dhankiisa xaqiijiyey sida Dowladda Talyaanigu uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyey diyaar u ahaanshaha in la ballaariyo wada shaqeynta dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hirgelinta mashaariic wadajir ah oo lagu horumarinayo warbaahinta iyo kobcinta awoodda hay’adaha, si loo sii xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.


























