Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabillay, soo dhoweyn diirranna ugu sameeyay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ugu horeyn si wadajir ah u booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyo waaxyaha Warbaahinta Dowladda iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socdeen shaqooyinka maaliinlaha ah ee Hay’adahani.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Booqashada kadib Wasiirka ayaa kulan la qaatay Danjiraha iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta warbaahinta,  tababarrada xirfadeed iyo kobcinta awoodda hay’adaha Wasaaradda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha warbaahinta ee labada dal, dib u soo nooleynta Barnaamijka Luuqadda Talyaaniga ee Radio Muqdisho, horumarinta filimada iyo is-dhaafsiga dhaqanka, si loo sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Danjire Pier Mario Daccò Coppi ayaa dhankiisa xaqiijiyey sida Dowladda Talyaanigu uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyey diyaar u ahaanshaha in la ballaariyo wada shaqeynta dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hirgelinta mashaariic wadajir ah oo lagu horumarinayo warbaahinta iyo kobcinta awoodda hay’adaha, si loo sii xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Next Post

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Next Post
Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In