Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, wejigiisa labaad (Women Peace and Protection Joint Programme โ€“ Phase II) oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qayb galeen wakiillo ka socday hay’adaha UNDP iyo UNTMIS, Wasaaradaha dhigga ah ee Dowlad Goboleedyada, deeq-bixiyeyaasha, iyo xubno metelayay ururrada bulshada rayidka ah.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in diiradda la saaro xoojinta hoggaaminta, isla xisaabtanka, iyo isku-duwidda habsami-u-socodka hirgelinta barnaamijka WPP-II.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Intii uu socday kulanka, waxaa la ansixiyay Xeer-nidaamiyaha shaqo (Terms of Reference) ee Guddiga Hagista, sidoo kale, waxaa la meel mariyay qorshaha guud ee shaqada barnaamijka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo qorshe-howleedka sanadka koowaad ee hirgelinta barnaamijkan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar ayaa madasha ku soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo ujeeddooyinka barnaamijka WPP-II. Wuxuu xubnaha guddiga si qoto dheer ugu sharxay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin bixinta jihada istiraatiijiga ah iyo kormeerka hirgelinta. Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu si buuxda ula jaanqaadayo mudnaanta qaranka, Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025โ€“2029 (NTP), iyo sidoo kale Ajendaha Qaramada Midoobay ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga (UNSCR 1325).

Dhinaca kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay laguna ansixiyay istaraatiijiyadda isgaarsiinta iyo xiriirka ee WPP-II. Qorshahan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wacyigelinta bulshada, kor loogu qaado muuqaalka barnaamijka, isla markaana si dhab ah loo muujiyo doorka haweenku ay ku leeyihiin nabad-dhisidda, hoggaaminta, iyo ka qaybgalka geeddi-socodka go’aan qaadashada dalka.

Barnaamijka WPP-II oo socon doona muddo 24 bilood ah ayaa laga hirgelin doonaa Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, Galmudug, iyo Waqooyi Bari Soomaaliya. Barnaamijkan oo maalgelintiisa ay bixiso Sanduuqa Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UN Somalia Joint Fund), waxaa si wada jir ah u fulinaya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, UN Women, UNDP iyo UNTMIS.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa madasha uga faa’iideysatay inay mar kale dib u xaqiijiso in si dhab ah uga go’an tahay xoojinta ka qayb galka haweenka ee dhinacyada nabad-dhisidda iyo ilaalinta xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in ay sii wadi doonto hirgelinta qorshayaal qaran oo horseeda nabad waarta, dowladnimo loo dhan yahay, iyo horumar loo siman yahay.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Next Post

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Next Post
Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In