War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalka ayaa lagu faahfaahiyay Wada hadal Muqdisho ku dhexmaray Dowladda iyo xubno matalayay mucaaradka
Warka ayaa u dhignaa sidatan:
Wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socday mucaaradka ayaa ku kulmay Muqdisho 7 Luulyo 2026.
Kulanka waxaa uu ka qabsoomay jawi wanaagsan, wuxuu bixiyay fursad dhinacyadu isku weydaarsadaan aragtiyo furan, daacad ah, isla markaana wax dhisaya.
Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadallada loo dhanyahay si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, amni, iyo horumar ee Soomaaliya
Dhinacyadu waxay u mahad celinayaan Jamhuuriyadda Türkiye doorkeeda fududeynta wada hadallada.











