Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska IGAD ee Xorriyadda Isu-socodka Dadka, iyadoo wafdi ka socda ururku kulammo la yeeshay hoggaanka ururrada shaqaalaha iyo suxufiyiin Soomaaliyeed. Kulammadan ayaa qayb ka ah hawlaha IGAD ay ka waddo Soomaaliya ee lagu taageerayo hirgelinta heshiiskan.
Wafdiga IGAD ayaa booqday xarunta dhexe ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), halkaas oo ay kulan kula yeesheen hoggaanka sare ee xiriirka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka, xoojinta maamulka socdaalka shaqaalaha, dhiirrigelinta isu-socodka shaqaalaha ee ammaan ah, nidaamsan oo waafaqsan sharciga, iyo sidii heshiisku uga faa’iideyn lahaa shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo bulshada guud ahaan.
Intii uu kulanku socday, FESTU ayaa muujiyey taageeradiisa buuxda ee ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee IGAD, isaga oo ku tilmaamay heshiiska mid shacabka loogu talagalay oo dantooda u adeegaya, isla markaana fursado cusub u abuuri doona shaqaalaha, ganacsatada iyo dhallinyarada, korna u qaadi doona isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo isu-socodka shaqaalaha ee waafaqsan sharciga.
Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa sheegay:
“Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee IGAD waa heshiis shacabka loo sameeyey, shacabka ayaana ka faa’iidaysan doona. Wuxuu abuuri doonaa fursado badan oo shaqo, ganacsi iyo horumar dhaqaale, isaga oo xoojinaya isdhexgalka gobolka. Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiskan, maadaama uu kor u qaadayo shaqo hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta ah, horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo isu-socod shaqaale oo ammaan ah, nidaamsan isla markaana sharci ah. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqayno Dowladda, loo-shaqeeyayaasha iyo IGAD si heshiiskani uga miro dhaliyo danaha shacabka Soomaaliyeed.”
Kadib kulankaas, wafdiga IGAD ayaa xarunta FESTU kulan is-weydaarsi ah kula yeeshay suxufiyiin Soomaaliyeed. Kulanka, oo uu martigeliyey Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay taageeridda ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiska, kor u qaadidda wacyiga bulshada, gudbinta xog sax ah oo dheellitiran iyo sidii shacabka loogu iftiimin lahaa fursadaha ka dhalanaya xorriyadda isu-socodka, isdhexgalka gobolka iyo isu-socodka shaqaalaha.
Iyadoo la hadlaysay suxufiyiinta, Lucy Daxbacher, Isuduwaha Sare ee Barnaamijyada IGAD, ayaa tiri:
“Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka wuxuu salka ku hayaa horumarinta nolosha dadka ku nool gobolka IGAD. Sidaa darteed, warbaahintu waa lammaane muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan kara hirgelinta heshiiskan. Warbaahin sax ah, dheellitiran oo mas’uuliyad leh waxay bulshada ka caawin kartaa inay fahmaan fursadaha uu heshiisku abuurayo, waxayna kor u qaadaysaa kalsoonida bulshada iyo fahamka ku saabsan isdhexgalka gobolka, isu-socodka shaqaalaha iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.”
Kulammada maanta waxay barbar socdeen shir heer qaran ah oo soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo IGAD ka furtay Muqdisho maalintii Talaadada. Shirka ayaa isu keenay wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada shaqaalaha, ururrada loo-shaqeeyayaasha iyo hay’adaha muhiimka ah ee dowladda si ay uga wada tashadaan tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu dardargelinayo ansixinta iyo dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka. Shirka, oo soo gebogeboobaya Khamiista, ayaa sidoo kale diiradda saaraya xoojinta maamulka socdaalka shaqaalaha, horumarinta wada-hadalka bulshada iyo adkaynta iskaashiga gobolka.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka xubnaha ka ah IGAD ee saxeexay Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka. Dadaallada ay IGAD ka waddo Soomaaliya waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay inay dalka ka taageerto dhammaystirka geeddi-socodka ansixinta iyo dhaqan-gelinta heshiiska, si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka, loo ballaariyo fursadaha dhaqaale loona fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta guud ahaan Geeska Afrika.










