Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ee door wanaagsan ka qaatay tebinta iyo baahinta munaasabadihii Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda iyo doorkii ay ku lahaayeen gaarsiinta shacabka warar sax ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado adeegga warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada.











