Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 hours ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, habraaca iyo sharafta ciidamada ayaa lagu maamuusay soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa.
Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah.
Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga difaaca. Xiriirka labada dal ayaa si joogto ah u sii xoogeysanaya, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta amniga iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.
Waxaa la filayaa in booqashadan ay sii xoojiso xiriirka labada ciidan iyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradaha, taas oo gacan ka geysan doonta adkeynta amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Previous Post

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In