Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika.
Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo amniga, isaga oo sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku duwidda iyo danaha ay labada dal wadaagaan.
Dhankiisa, Wasiir Arrimaha Dibadda masar Abdelatty ayaa asna dhankiisa sheegay taageerada aan leexleexadka lahayn ee Masar u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaranka ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ku celiyey diidmada Masar ee isku day kasta oo Israa’iil ay ku aqoonsanayso gobolada waqooyi ee Soomaaliya inuu yahay dal madax bannaan, taas oo ka hor imanaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.










