La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Türkiga, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay muhiimadda ay siinayso sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Türkiye, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.










