Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay tababar soconaya muddo saddex (3) maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hoggaaminta haweenka, horumarinta xirfadaha u-doodista siyaasadaha, iyo kor u qaadidda ka-qaybgalka loo dhan yahay ee geeddi-socodka horumarinta iyo go’aan-qaadashada.
Tababarkan oo ay si wadajir ah u hirgelinayaan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo hay’adda ADRA Soomaaliya, ayaa Waxaa ka qaybgalay wakiil ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ururrada bulshada rayidka ah (CSOs), haweenka, dhallinyarada, ururrada matala dadka naafada ah, iyo wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada. Tababarku wuxuu diiradda saarayaa horumarinta hoggaaminta haweenka, kobcinta xirfadaha u-doodista siyaasadaha ee ku salaysan caddeymaha, iyo xoojinta ka-qaybgalka bulshada si loo gaaro dowladnimo loo dhan yahay, caddaalad bulsho, iyo awood-siinta dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed.
Marwo Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa ku boorrisay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan waxbarasho, ayna aqoonta iyo xirfadaha ay kasbanayaan ugu adeegaan horumarinta bulshada, difaaca xuquuqda haweenka, iyo kobcinta hoggaaminta loo dhan yahay ee dalka.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay sii xoojinaysaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta awoodaha haweenka, ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo dhisidda bulsho Soomaaliyeed oo ku dhisan sinnaan, ka-qaybgal loo dhan yahay, iyo horumar waara












