RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jubbaland, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay illaa toddobo fariisin oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen agabkii yaallay fariisimahaas.
Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in deegaanka Gambaale uu ahaa saldhiggii ugu weynaa ee ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana uu ka mid ahaa goobihii si buuxda loo burburiyay.
Taliska Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu sugayo amniga deegaannada Jubbaland, isagoo xusay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobolka Jubbada Dhexe.












