Saturday, November 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi, oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa ka qeybgalay kulan lagu soo bandhigayay laguna falanqeynayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta fahamka masuuliyiinta degmooyinka ee ku aaddan Mashruuca Bulsho iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelintiisa.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa carrabka ku adkeeyay in degmooyinku yihiin laf-dhabarta isku xirka dowladda iyo bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan gaarsiinta xogta mashruuca, dhiirrigelinta ka qeybgalka bulshada iyo xaqiijinta in ujeeddooyinka mashruucu ay miro-dhalaan. Waxa uu xusay in faham qotodheer oo laga yeesho qaab-dhismeedka iyo habraacyada Mashruuca Bulsho uu horseedi doono adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo shacabka Koonfur Galbeed ay si toos ah uga faaโ€™iideystaan.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Hayโ€™adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ugu kuurgalay habsami u socodka adeegyada diiwaangelinta muwaadiniinta iyo sida shaqaaluhu ugu adeegayaan bulshada.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray tayada adeegyada, hufnaanta shaqada iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada muhiimka ah ee la xiriira diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaranka.

Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in adeegyada dowladda loo bixiyo si hufan, nidaamsan, isla markaana si degdeg ah uga jawaaba baahiyaha iyo cabashooyinka muwaadiniinta. Waxa uu maamulka iyo shaqaalaha NIRA ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si loo xaqiijiyo adeegyo tayo sare leh oo shacabka ku abuura kalsooni.

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war ka soo saartay hawlgal cirka ah oo ka dhacay Hiiraan

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In