Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi, oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa ka qeybgalay kulan lagu soo bandhigayay laguna falanqeynayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta fahamka masuuliyiinta degmooyinka ee ku aaddan Mashruuca Bulsho iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelintiisa.

Related posts

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa carrabka ku adkeeyay in degmooyinku yihiin laf-dhabarta isku xirka dowladda iyo bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan gaarsiinta xogta mashruuca, dhiirrigelinta ka qeybgalka bulshada iyo xaqiijinta in ujeeddooyinka mashruucu ay miro-dhalaan. Waxa uu xusay in faham qotodheer oo laga yeesho qaab-dhismeedka iyo habraacyada Mashruuca Bulsho uu horseedi doono adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo shacabka Koonfur Galbeed ay si toos ah uga faa’iideystaan.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ugu kuurgalay habsami u socodka adeegyada diiwaangelinta muwaadiniinta iyo sida shaqaaluhu ugu adeegayaan bulshada.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray tayada adeegyada, hufnaanta shaqada iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada muhiimka ah ee la xiriira diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaranka.

Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in adeegyada dowladda loo bixiyo si hufan, nidaamsan, isla markaana si degdeg ah uga jawaaba baahiyaha iyo cabashooyinka muwaadiniinta. Waxa uu maamulka iyo shaqaalaha NIRA ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si loo xaqiijiyo adeegyo tayo sare leh oo shacabka ku abuura kalsooni.

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war ka soo saartay hawlgal cirka ah oo ka dhacay Hiiraan

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa hirgelinaya isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Xafiisku wuxuu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In