Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ku sugan goobta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dabka la xakameeyay, kadib dadaal ay sameeyeen ciidamada dab-damiska, ganacsatada iyo shirkadaha oo iskaashaday.
Sidoo kale, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay dabkaas oo galaaftay goobo ganacsi iyo hanti badan.
Dhanka kale, hay’adaha ay khuseyso ayaa bilaabay qiimeynta heerka khasaaraha ka dhashay dabka, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan baaxadda waxyeellada ama khasaaraha ka dhashay dhacdadan.










