Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah waxay ka sameeyeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ma’suuliyiinta ayaa bulshada degmada Guriceel uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen, waxayna ka codsadeen inay codkooda ku taageeraan ururkooda, iyagoo bulshada la wadaagay qorshayaal ay ku hormarinayaan adeegyada bulshada, dowlad-wanaagga iyo ka qeybgalka shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah.
Ugu dembayntii xubnahaan ka socday Urur siyaasadeeka JSP ayaa bulshada ay la kulmeen ku boorriyay inay si nabad ah ugu soo baxaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan ka dhacaya deegaanada Galmudug..











