Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad Daauud, iyo xubno ka tirsan shaqaalaha Safaaradda, ayaa maanta Xarunta Safaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Dr. Ezekiel Mutua, MBS, Agaasimaha Fulinta ee MEMA Africa, iyo Marwo Maria Kimata oo ka socotay Bandung Africa, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dalalka Afrika, gaar ahaan iskaashiga Koonfurta iyo Koonfurta (South–South Cooperation), horumarinta hal-abuurka iyo warshadaha dhaqanka, awood-siinta dhallinyarada, iyo xoojinta wada-shaqeynta bahda fanka iyo muusigga ee dalalka Bariga Afrika si loo dardargeliyo is-dhexgalka gobolka iyo horumar wadajir ah.
Dr. Ezekiel Mutua ayaa sheegay in MEMA Africa ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha iyo dowladaha Afrika si loo kobciyo hal-abuurka, loona abuuro fursado ay ka faa’iideystaan dhallinyarada. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay awood iyo hibo hal-abuurnimo oo wax badan ka tari karta horumarinta dhaqanka guud ahaan Qaaradda, gaar ahaan Bariga iyo Geeska Afrika , isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in Hay’adda MEMA Africa ay Soomaaliya kala shaqeyso mashaariic kor u qaadaya iskaashiga gobolka.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in mustaqbalka Afrika uu ku jiro sare u qaadida wacyiga Dhallinyarada, taas oo qayb ka ah qorshaga 2063 ee Ururka Midowga Afrika. Taas oo salka ku haysa iskaashi dhow, is-aaminaad iyo mideynta awoodaha dalalka qaaradda.
Danjire Jabril wuxuu xusay in xoojinta wada-shaqeynta Afrika ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha, kobcinta hal-abuurka, is-weydaarsiga aqoonta iyo dhaqanka, iyo abuurista fursado waara oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Afrika. Wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso iskaashi kasta oo ku dhisan dano wadaag, is-ixtiraam iyo horumar loo siman yahay, isla markaana ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga dalalka Afrika.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhammaan hay’adaha iyo dalalka daneeya horumarinta Afrika, iyadoo lagu saleynayo iskaashi, is-ixtiraam iyo dano wadaag. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaal kasta oo kor u qaadaya is-dhexgalka Afrika isla markaana fursado u abuuraya jiilka da’yarta,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire jabriil.
Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sida ay muhim tahay in fanaaniinta, Hal-abuuradda gobolka Bariga Afrika loo siin lahaa ahmiyadda ay leeyihiin looguna taageeri lahaa fursado ay hibabadooda ugu faa’iideysan lahaayeen, dhqaalana uga sameeyn lahaayeen.
“Fanka Soomaaliyeed waxa uu ka tilaabsaday xuduudo waxa uuna saameeyn ku yeeshay caalamka, sidaa darteed waa fanaaniinteena, hal abuuradeena, ay heelaan xaqooda, waana in ay wadamada dariska arintaan iska-kaalmeeysadaan”, ayuu yiri Danjire Jabril
Waxaa sidoo kale la isla gartay in la abuuro urur ay ku Mideysan yihiin Fanaanada, albuureeyda Afrika, isla markaana ay si wadajira ula macaamiltamaan Shirkadaha hogaanka u ah baraha bulshada oo ay ku jiraan facebook, iyo Tik tok si ay xaqooda u helaan, isla markaana u horomariyaan fanka Afrika, sarana ugu qaadaan sharafta Afrika.
Waxaa la qorsheeynyaa in la qabto bandhigyo dhaqameed, heeso iyo Farahaxan waaweyn kuwaas oo ay ka soo qaybgalayaan fanaaniinta Afrika ugu magaca weyn, Soomaaliyana ay Hormuud ka noqoto badhigyadaas. Waxaana la magacaabi doonaa gudiyo howlahaa dhirin-dhiriyo.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, MEMA Africa iyo Bandung Africa, si loo hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya hal-abuurka, dhaqanka, awood-siinta dhallinyarada iyo is-dhexgalka dalalka Afrika.











