Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada iyo Madaxa OCHA ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qiimeynta halka ay marayaan dadaallada gurmadka abaaraha, u diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan, iyo qorshe safar wadajir ah oo lagu kormeerayo xaaladda bani’aadannimo ee deegaannada maamullada Somaliland, Waqooyi Bari iyo Puntland.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee u diyaar-garowga Super El Niño, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul.










