Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaasi oo fududeyn doona isku-socodka, dib-u-habeynta Baasaboorka dalka iyo habka ay ku helayaan muwaadiniinta.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Wasaaradda Amniga Gudaha oo warbixin faahfaahsan oo wadata xog naqshadaysan oo ku saabsan baasaboorka iyo tirakoobyo, ayaa warbixinta ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada Heerka Waxqabadka Wasaaradaha ee Rubuca 1-aad iyo Rubaca 2-aad ee (Q1- Q2 Ministerial Performance) iyo Qorshahaโ€”Horumarinta Nidaamka Shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System) kuwaas oo ay soo jeediyeen masโ€™uuliyiinta sarsare ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha iyo khubaro.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo golaha u sameeyay hadal-jeedin ayaa ka warbixiyay safarkii uu mardhow ku tagay dowlad goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo bogaadiyay isku duubnaanta shacabka iyo maamulka, wuxuu sidoo kale hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Galmudug. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiiradda iyo masโ€™uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta masโ€™uulka dowladeed leeyahay, isaga oo boggaadiyay Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji celintii baasaboorka ajnabiga ah.

Golaha Wasiirrada ayaa sixid iyo wax ka badel ku sameeyay magacaabistii xubin ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

Previous Post

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Next Post

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Next Post
Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In