Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odawaa, ayaa hoggaaminayay wafdi ka koobnaa diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda iyo xubno ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Hindiya, kuwaas oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.
Munaasabadda ayaa lagu xusay midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika, iyadoo la adkeeyey muhiimadda iskaashiga, nabadda, horumarka waara, iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dalalka Afrika.











