Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa qorsheynta falal amniga lid ku ah oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Dhagar-qabeyaashan ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha. Afar ka mid ah waxa ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqal-gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026

Sirdoonka Hay’adda NISA ayaa muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, waxaana dabagal iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa, waxaana hadda ku socda baaritaanno, iyada oo kaddib loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.

Hay’adda NISA waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee mar walba la wadaaga xogaha la xiriira khataraha amniga, waxayna markale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinta. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In