Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hey’adda Refugees International (RI), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha RI, Mudane, Jeremy Konyndyk, iyo Mudane, Abdullahi Halakhe, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, sugnaanta cuntada, adkeysiga bulshada iyo sidii maalgashiga beeraha loogu adeegsan lahaa soo kabashada hab nololeedyada iyo xalalka waara oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay kulanka u diyaar garowga khataraha ka dhalan kara El Niño, gaar ahaan daadadka, roobabka xad dhaafka ah, waxyeellada dalagyada iyo barakaca bulshada, Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda Systemka hore-u- diggidda, maaraynta biyaha, waraabka iyo Beeraha u Adkaysta Isbeddelka Cimilada si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona ilaaliyo wax soosaarka beeraha.
Kulanka ayaa la isku soo hadal qaaday maalgelinta beeraha, horumarinta silsiladaha qiimaha, kaabayaasha miyiga iyo abuurista fursado shaqo kaasoo loogu talagalay dhalinyarada iyo haweenka, iyadoo la xoojinaayo iskaashiga caalamiga ee lagu taageerayo la qabsiga isbeddelka cimilada, soo kabashada hab nololeedyada iyo dhismaha nidaam cunto oo adkeysi leh.











