Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga (Refugees International), iyo Cabdullaahi Boru Halakhe, oo ah U-doodaha Sare ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda qaxootiga ku sugan Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku barakacay, gaar ahaan caqabadaha bani’aadantinimo iyo baahiyaha sii kordhaya ee haysta dadka ay saameeyeen barakaca iyo xaaladaha adag ee dalka.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Labada mas’uul ee ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga ayaa magaalada Muqdisho u yimid inay u kuurgalaan saameynta ka dhalatay dhimista iyo jarista qaar ka mid ah deeqihii iyo taageeradii bani’aadantinimo ee lagu caawin jiray qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan Soomaaliya.

Dhimista dhaqaalaha iyo taageerada ayaa saameyn ku yeelatay howlaha gargaarka, iyadoo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Mareykanku ay dhimeen ama jareen qaar ka mid ah maalgelintii iyo taageeradii loo fidin jiray dadka nugul.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah uga hadlay saameynta iyo caqabadaha ka dhashay hoos u dhaca dhaqaalaha iyo gargaarka bani’aadantinimo ee loogu talagalay dadka nugul.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo bandhigay baahiyaha muhiimka ah ee haysta qaxootiga iyo barakacayaasha, iyadoo xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada bani’aadantinimo iyo in la helo xalal waara oo wax looga qabanayo duruufaha ay ku nool yihiin.

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In