Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee la qabtay bishii Ramadaan
Degmada Hodan oo sanadkan ku guuleysatay tartanka ayayaa lagu abaalmariyay lacag dhan 2,000 (Labo kun oo dollar), halka tartamayaasha Gubadleey oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka ay heleen 1,500 (kun iyo Shan boqol oo dollar) waxaana kaalinta 3-aad gashay Kaaraan oo iyana heshay lacag dhan 1,000 (Kun dollar).
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanadkasta ay qabato Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa si wadajir ah u taabageliyay Maamulka Gobalka Benaadir iyo Bankiga IBS.










