Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis oo maanta booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP, gaar ahaan qaab-dhismeedka Isku-xirka Maalgelinta Qaranka (Integrated National Financing Framework โ INFF), isku-duwidda hayโadaha dowladda iyo horumarinta qorshayaasha maalgelinta mudnaanta u leh dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga iyo taageerada farsamo ee UNDP ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo taageero barnaamijyada horumarineed.











