RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar u aadaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Saraakiishaan ayaa noqoneysa qaybtii labaad oo muddo kooban gudahooda tababar loogu diro dalka Masar, iyadoo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ku socdo dib-u-habeyn ballaaran oo dhanka tayeynta Ciidanka ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa faray saraakiisha tababarka u aadeysa dalka Masar inay fursadda ay heleen uga faa’iideystaan sidii loogu talagalay.











