Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo baahiyaha aasaasiga ah, dayactirka iyo dib-u-habaynta xarumaha daryeelka agoonta, iyo awood-siinta dhaqaale ee qoysaska agoonta.
Mashruucan waxaa iska kaashanaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada iyo Mu’assasadda Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada. Xarunta Boqor Salmaan ayaa taageeraysa mashruuca, halka Mu’assasadda Mahasin ay fulinayso.
Mashruuca ayaa lagu dayactirayaa laguna hawlgelinayaa xarumaha daryeelka agoonta, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayo awood-siinta dhaqaale ee qoysaskooda. Waxa uu qayb ka yahay barnaamijyada bani’aadantinimo iyo horumarineed ee Xarunta Boqor Salmaan ay ka fuliso Soomaaliya.
Ujeeddada mashruuca ayaa ah in la hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo waxbarasho ee carruurta agoonta ah. Waxaa si toos ah uga faa’iideysan doona 905 carruur ah oo agoon ah, kuwaas oo ku kala sugan xarumaha mashruucu ka fulayo, oo ay ka mid yihiin:
Xarunta Cumar bin Khaddaab ee Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xarunta Ummu Badr ee Afgooye, Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xarunta Ummul Mu’miniinta Caa’isha ee gabdhaha agoonta ah, Muqdisho.
Xarunta Jaamic Al-Ummah ee Cadaado, Galmudug.
Mashruucu wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa awood-siinta dhaqaale ee 200 hooyo oo mas’uul ka ah qoysaska agoonta. Hooyooyinkan ayaa la siinayaa tababarro ku saabsan aasaaska tolidda dharka, mashiinnada tolidda iyo agabka lagama maarmaanka ah, si ay u helaan xirfado ay ku kasban karaan dakhli, ugu masruufi karaan qoysaskooda, una gaaraan isku-filnaansho dhaqaale.
Sidoo kale, laba xarumood ayaa lagu samaynayaa dayactir iyo dib-u-habayn ballaaran. Waxaa intaas dheer in si joogto ah loo xaqiijinayo helitaanka raashinka aasaasiga ah ee xarumaha, si carruurta agoonta ah loogu diyaariyo cuntooyin maalinle ah.
Munaasabadda daahfurka mashruuca ayaa sidoo kale lagu qaybinayaa dharka iskuulka, iyadoo ilmo kasta oo agoon ah la siinayo laba qaybood oo dhar iskuul ah, iyo sidoo kale dharka Ciidda. Waxaa kale oo la qaybinayaa boorsooyin waxbarasho oo ay ku jiraan qalabka qoraalka iyo agabka dugsiga, iyo gogosha hurdada ee carruurta agoonta ah.
Tallaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay in carruurta agoonta ah loo abuuro jawi waxbarasho oo ammaan ah, dhiirrigelin leh, isla markaana ku habboon waxbarashadooda iyo korriimadooda.
Mu’assasadda Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa uga mahadcelisay Xarunta Boqor Salmaan iskaashiga bani’aadantinimo ee muddada dheer ka dhexeeya labada dhinac, iyadoo sheegtay in mashruucan loo fulinayo si waafaqsan heerarka isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo shuruucda Dowladda Federaalka Soomaaliya.










