Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah kula qaatay ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo tobankii arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu horreyn ardayda ugu hambalyeeyey natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare, isagoo ku bogaadiyey dadaalkooda, adkaysigooda iyo juhdiga ay geliyeen waxbarashada, taas oo ugu dambeyn horseedday inay ka mid noqdaan ardayda ugu sarreysa dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in guusha ay gaareen ardaydu aysan ahayn oo keliya mid u gaar ah iyaga iyo qoysaskooda, balse ay tahay guul u soo hooyatay bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin jiilkii mustaqbalka hoggaamin lahaa dalka.

Guddoomiyaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay sii laba-jibbaarraan dadaalkooda waxbarasho, kana faa’iideystaan fursadaha ay u helayaan waxbarashada sare iyo aqoonta, isagoo ku boorriyey inay aqoontooda ugu adeegaan horumarka, nabadda iyo dib-u-dhiska dalkooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen guusha ardaydan, isagoo tilmaamay in maalgelinta waxbarashada iyo dhiiragelinta jiilka cusub ay muhiim u tahay dhismaha Soomaaliya leh aqoon, karti iyo mustaqbal wanaagsan, wuxuuna ardayda ku dhiirageliyey inay noqdaan kuwo ku dayasho mudan, kuna suntan aqoon, akhlaaq, karti iyo waddaniyad, isagoo u rajeeyey mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo ay u soo hoyaan naftooda, qoysaskooda iyo qarankooda.

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In