Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay booqasho ay ku timid Ruth Anne Steven Klitz oo ah Ku-xigeenka Madaxa Ergada isla markqana ah ku-simaha Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dal. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay doowrka muhimka ah ee dalka Mareykanka ka qaato taabagalinta amniga dalka iyo la-dagaalanka kooxaha nabad diidka ee argagaxisada sida Al Shabaab.
Waxaa sidoo kale laga hadlay guud ahaan danaha labada iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka.










