Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Machadka Tababarrada Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne.

Agaasimaha ayaa halkaasi kula kulmay Macallimiinta Qaranka ee sanadkii 2024 ku soo baxay qaadashada barnaamijka macallimiinta, kuwaas oo tababar uga socda xarunta, isla markaana ka howlgalaya Dowladda Hirshabeelle, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Nuur Xasan Muuse ayaa macallimiinta ku booriyay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo, isaga oo uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan barbaarinta iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ka dhageystay macallimiinta baahiyahooda guud, halka uu ka xog-wareystay habsami-u-socodka tababarka, waxyaabaha ay ka faa’iideysteen iyo caqabadaha jira.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay si dhow ula socon doonto xaaladda macallimiinta, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii loo xoojin lahaa tayada iyo tayeynta macallimiinta ka howlgalaya Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Next Post

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Next Post
Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In