Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista tayada howl-wadeenada Hay’adda iyo xoojinta hanaanka maamulka dadka dalka lagusoo celinaayo ee Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan soocelin kudhisan badqab, iyo sharaf.

Barnaamijkan lagu taagerayo Soomaalida dalka dib loogu soo celinayo iyo sidii Hay’adda looga caawin lahaa tababaridda iyo sare u qaadidda aqoonta howlwadeenada Hay’adda Qaxootiga ayaa waxaa iska kaashana Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA) , Hay’adda Socdaalka Sweden (SMA) iyo Hay’adda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed (NCRI) .

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabada lagu daah-furay mashruucan ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Hay’adaha dowladda, Ururada bulshada rayidka ah, Midowga Yurub iyo Wakiilada Hay’adaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaamyo waara oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya oo ay ugu horeyso u abuuridda fursado shaqo.

Ujeeddada ugu weyn ee mashruuca CAPSOM II ayaa ah xoojinta awoodda hay’adaha, horumarinta adeegyada dib-u-dejinta, iyo kobcinta iskaashiga si loo abuuro xalal waara oo wax looga qabto caqabadaha socdaalka iyo dadka ku soo guryo noqonaya dalkeena hooyo.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal oo kahadlay munaasabadda shaacinta mashruuca CAPSOM II, ayaa dareen shacuur leh ku sheegay in muwaadiniinta dalka kusoo laabanaya lagu qaabilo dareen Soomaalinimo.

“Barnaamijkakan waxa uu quseeyaaa sidii hay’adda looga caawi lahaa in tababaro la siiyo howlwadeenadaada Hay’adda, kuwaasi oo sare loogu qaadayo aqoontooda”. Ayuu yiri Guddoomiye Liibaan.

Guddoomiyaha ayaa iftiimiyay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay sidii shaqo abuur loogu sameyn laha ila iyo saddex boqol (300) oo qof oo ah dadki dib dalka loogu soo celiyay.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Next Post

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Next Post
Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In