Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar afar maalmood socday oo qeyb ka ahaa Hindisaha Istaraatiijiga ah ee “Wariyayaasha Nabadda”, kaas oo uu soo qabanqaabiyey Isbahaysiga Ciidamada Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).

Munaasabadda xiritaanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed; Madaxa Ergada Soomaaliya ee IMCTC, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare; iyo Madaxa Warbaahinta Isbahaysiga, Gaashaanle Fahad Camaar Al-Qaxdaani.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Tababarka waxaa ka qeyb galay wariyeyaal ka kala socday warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, iyo sidoo kale hal-abuurayaal ka shaqeeya baraha bulshada. Ka qeybgalayaasha waxaa lagu tababaray falanqaynta farriimaha xagjirka ah, aqoonsiga wararka marin-habaabinta ah, ka-hortagga hadallada nacaybka iyo diyaarinta farriimo wax-ku-ool ah oo lagula tacaalayo borobagaandada kooxaha argagixisada.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga IMCTC qabsoomidda tababarka, isaga oo ku dhiirrigeliyey saxafiyiintii ka faa’iidaystay inay aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, kana qeyb qaataan ka-hortagga wararka marin-habaabinta ah, fikirka xagjirka ah iyo borobagaandada kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa in dul istaagau muhiimadda doorka warbaahinta ee la-dagaallanka argagixisada, ka-hortagga fikradaha xagjirka ah, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Hindisaha “Wariyayaasha Nabadda” wuxuu qeyb ka yahay iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IMCTC ee lagu kobcinayo awoodda hay’adaha qaranka, laguna xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee ka-hortagga argagixisada iyo marin-habaabinta, iyo ilaalinta amniga bulshada.

Previous Post

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Next Post

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Next Post
Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In