Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday Hayโadda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC), oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday xarunta dhexe ee hayโaddaas.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda baniโaadannimo iyo khataraha musiibooyinka ee dalka, si gaar ah waxa diiradda loo saaray xaaladda abaarta, u-diyaargarowga saameynta El Niรฑo, digniinaha hore, tallaabooyinka la sii odorosi karo, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta baniโaadannimada.
Hayโadda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC) waxay ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada baniโaadannimada iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo nidaamyada qaran ee maaraynta musiibooyinka iyo in la xoojiyo awoodda hayโadaha dowladda, si dalka looga gudbiyo gurmadka ku saleysan falcelinta oo keliya, loona gudbo u-diyaargarow ku saleysan khataraha, tallaabooyinka hore iyo adkaysi waara.











