RADIO MUQDISHO:-Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Wafdiga Wasiirka waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdisalaam Suleymaan,kaas oo wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Safaaradda, howlaha ay qabato iyo dadaallada ay diblomaasiyiintu ugu adeegayaan danaha qaranka Soomaaliya ee dalka Shiinaha.
Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kulammo iyo hawlo uu Wasiirku ku leeyahay magaalada Beijing, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo iskaashiga labada dal.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Beijing waxay door muhiim ah ka qaadataa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo horumarinta iskaashiga labada dal, iyadoo si joogto ah uga shaqeysa ilaalinta iyo horumarinta danaha Soomaaliya ee dalka Shiinaha.











