Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu yaqaanay Isbitaalka Digfeer, halkaas oo lagu daaweynayo qaar ka mid ah askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay howlaha amniga.
Taliyaha ayaa u kuurgalay xaaladda caafimaad iyo daryeelka loo fidinayo askarta dhaawacantay, isaga oo dhageystay xaaladdooda iyo baahiyahooda caafimaad.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa askarta dhaawacantay u muujiyay garab istaag iyo walaaltinimo, isaga oo Alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Taliyaha ayaa sidoo kale booqday carruur lagu daweynayo Isbitaalka, isaga oo xaaladdooda caafimaad wax ka weydiiyay dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitaalka, isla markaana carruurta iyo qoysaskooda u muujiyay garab istaag iyo dhiirrigelin.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud, kaas oo ka warbixiyay adeegyada caafimaad iyo daryeelka loo fidiyo bukaannada iyo askarta dhaawacantay.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo daryeelka iyo garab istaagga ciidamada iyo bulshada Soomaaliyeed.










