Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
14 minutes ago
in Wararka
0
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidoow, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday deegaannada Baxdo, Qeydaro, Baraag Ciise iyo Xero Dhagaxley, halkaas oo ay si dhow ugu kuurgaleen xaaladda nololeed ee bulshada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaannadaasi.

Related posts

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026

Ujeedka socdaalka ayaa ahaa in mas’uuliyiintu ay si toos ah u qiimeeyaan baahiyaha dhinacyada biyaha iyo caafimaadka, gaar ahaan xaaladda helitaanka biyaha iyo adeegyada caafimaad ee ay bulshada deegaanka u baahan yihiin.

Intii uu socday kormeerka, wafdigu waxay la kulmeen bulshada iyo dadka deegaanka, iyagoo ka dhageystay xaaladaha ay ku nool yihiin iyo caqabadaha ay kala kulmaan helitaanka adeegyada muhiimka ah.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo ayaa sheegay in kormeerku qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu ogaanayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan baahiyaha biyaha.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow ayaa qiimeyn ku sameeyay baahiyaha caafimaad ee bulshada, iyadoo la eegayo sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaad ee gaara deegaannada miyiga iyo kuwa ka fog xarumaha waaweyn.

Socdaalkan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada maamulka Galmudug ee lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah iyo in baahiyaha bulshada laga ogaado goobaha ay ka jiraan, si loo helo qorshe wax looga qabanayo caqabadaha ka jira biyaha iyo caafimaadka

Previous Post

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In