Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigayaa quruxda dhulkeenna iyo goobaha ugu wanaagsan ee lagu dalxiiso guud ahaan dalka.
Soomaaliya waxay leedahay xeebo qurux badan, taariikh fac weyn, dhaqan hodan ah iyo goobo dabiici ah oo soo jiidasho leh kuna haboon Dalxiiska.











