Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah safar shaqo oo uu ku marayo deegaano kala duwan oo ka tirsan Galmudug.
Intii uu Wasiirku ku sugnaa Degmada Xero Dhagaxley, wuxuu u kuurgalay xaaladda beeraha iyo ceelasha biyaha ee degmada, gaar ahaan ceelasha ku shaqeeya matoorada, isagoo qiimeyn ku sameeyay xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay maamulka Degmada Xero Dhagaxley, waxaana looga wada hadlay xaaladda guud ee degmada, baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo ku filan oo ay bulshada iyo xooluhu ka faaโiideystaan.
Safarka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Fiidow, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Xildhibaano.
















