Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladdda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo Masโ€™uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa, ayaa faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada maadama ay laf-dhabar u yihiin maamulka heyโ€™adaha dowladda ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada heyโ€™adaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026

Marka la hirgaliyo wajiga 1-aad waxaa dib-u-habayn lagu samayn doona Agaasimayaasha Guud ee heyโ€™adaha dowladda iyada oo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad, si loo dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh isla-xisaabtan leh oo ka shaqeeya natiijooyin muuqda.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Afartii sano ee la soo dhaafay, Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hayโ€™adaha dowladda, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo hayโ€™ado dowladeed oo leh saldhig sharci iyo maamul adag iyo Shaqaale Rayid ah oo leh aqoon, karti iyo karaan ku filan gudashada waajibaadka saaran.

“Waxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hayโ€™adaha ee lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah, Waxa aan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hayโ€™adaha iyo shaqaalaha dowladdaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ugu Dambayn, Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Heyโ€™adaha Dowladda In si buuxda loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada hayโ€™adaha ee la ansixiyey, iyada oo xilalka Agaasime Waaxeedyada lagu buuxinayo hannaan tartan furan, dhammaan shaqaalaha u qalma ee ku jira adeegga rayidka ah la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan xilalkaas, iyo In wixii xil ama jago bannaan ah ee shaqaalaha dowladda ah lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In