Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo ardayda la wadaagay farriimo ay ku doonayaan inay ku kasbadaan taageeradooda iyo codkooda.
Mas’uuliyiinta JSP ee ka qeybgalay ololaha waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, agaasimayaal iyo musharraxiin ka tirsan ururka.
Masuuliyiinta ayaa ardayda u jeediyay farriimo ku saabsan doorashada iyo barnaamijka ururka, iyagoo ku boorriyay inay taageeraan JSP oo ay codkooda siiyaan doorashada.
Ololahan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ururrada ka wadaan magaalada Galkacyo, iyagoo bulshada ku dhex raadinaya taageero iyo codadka doorashada.











