Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye, Marwo Celile Eren Ökten.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara, Mudane Fathudiin Cali Maxamed.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.











