Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania, halkaasi oo uu uga qeyb galaayo Kulanka 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Shirka 153-aad ee Golaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (Inter-Parliamentary Union – IPU).
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Arusha kusoo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.











